28 Nov

Shirka sanad guurada 1aad ee gms + bayaan

Published Date

Shirka Sanad guurada 1aad. Kalfadhigii 3aad ee London.

 

Golaha midnimada soomalyeed ayaa maantay shir aan caadi ahayn oo 2 maamlmood socday kusoo gabagabeeyay dalka UK magaaladda London,

 

Shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen xubanaha golaha midnimadda soomaliyeed  waxay ka wada hadleen arimo dhawr ah.Shirka oo lagu lafoguray arimo badan oo khuseeya umada Dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Waxaa kaloo goluhu aad uga dooday arimaha siyaasadeed ee dalka soomaliya.Shirkaasi oo ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan oo la isku afgartay waxaa kasoo baxay qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin:-

 

Goluhu wuxuu ka soo horjeedaa joogitaanka ciidamadda shisheeye ee ku sugan bada iyo bariga  Soomaaliyeed, iyo gaar ahaan kuwa hada loosoo wado dalka ee loogu magac daray UNISOM. wuxuuna u arkaa goluhu u arkaa in aysan joogitaankoodu sharci ahayn.

 

Waxaa kale oo Goluhuna  ku baaqayaa in dhamaan ciidamadda shisheeye ee dalka kusugan si dag dag ah ugu baxaan gaar ahaan ciimadda Ugaandha, Buruundi, Kenya, Siraliyoon, Itoobiya iyo jabuuti. Golaha midnimadda soomaliyeed wuxuu  si cad uga soo horjeedaa dhamaan xadgudubyadda  shacabka soomaliyeed lagu hayo  ee ay ka qayb qaadanayaan  ciidamada Dawladda, ururka Alshabaab  iyo kooxaha kale ee hubaysan.

 

 

Goluhu wuxu cambaareynayaa dilalka qorsheyn ee Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dilalka iyo dhiiga culimada oo ay ugu dambeeyey Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax.

 

Goluhu wuxuu ka shaqeynayaa isu keenida kooxaha isku haya siyaasada Soomaalida.

 

Goluhu wuxuu taageerayaa Fatwadii ay soo saareen qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee looga soo horjeeday daadiinta dhiiga muslimiinta iyo gaaleysiintooda.

 

Golaha Midnimada soomaliyeed wuxuu culumadda soomaliyeed ugu baaqayaa in aysan indhaha ka qabsan xaaladda faraha kasii baxaysa ee dalka, waxaana goluhu ku boorinayaa culumo awdiinka soomaliyeed in ay muujiyaan midnimo iyo isku duubni, kana qayb qaataan dadaalada dhabta ah ee dib loogu raadinayo midnimaddii iyo wada jirkii shacabka soomaliyeed.

 

Goluhu wuxuu aaminsan yahay in soomalidu ay xaq u leedahay in ay aayaheeda ka tashato, wuxuuna ugu goluhu ugu baaqayaa umadda soomaliyeed in ay arimahooda wadahadal, tanaasul iyo is faham iyo is ixtiraam ku dhameeyaan.


Goluhu wuxuu si cad ugu soo horjedaa  nidaamka federalismka, kuwaasoo ka soo horjeeda diinta, Midnimadda iyo dhaqanka umada soomaliyeed.

 

Golaha midnimada soomaliyeed wuxuu si buuxda uga soo horjeedaa nidaamka quursi  wax ku qaybsiga ee loo yaqaan 4.5 iyo midka federaalka ah.
Golaha midnimada soomalaliyed wuxuu umada soomaliyeed ugu baaqayaa midnimo iyo wadajir.


Golaha midnimadda soomaliyeed wuxuu u taagan yahay midnimo, sinaan, cadaalad iyo qaranimadda umada soomaliyeed, wuxuuna goluhu dhamaan umada soomaliyeed ugu baaqayaa in ay muujiyaan dhabar adayg iyo dulqaad xaaladda adag ee dalku marayo.

 

Wabillaahi Tawfiiq

 

GMS LONDON

13/05/2013

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *